ARDO OO QALLIIN INDHAHA U FULISAY DANYAR SOOMAALIYEED

Araggu waa mid ka mid ah nimcooyinka ugu muhiimsan ee bani’aadamku leeyahay. Si kastaba ha ahaatee, kumannaan qof oo ku nool Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa la daalaa dhacaya aragti-xumo, iyagoo aan heli karin adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Iyadoo laga jawaabayo baahidaas, Aayatin Relief and Development Organization (ARDO) ayaa fulisay mashruuc samafal oo lagu taageerayo bukaanada u baahan qalliinka indhaha, iyada oo kaashaneysa ARAG EYE CENTER.

Mashruucan oo la fuliyay bishii Febraayo 2026 ayaa si toos ah u saameeyay nolosha toban (10) bukaan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo intooda badan ahaayeen danyar iyo waayeel isugu jiray rag iyo dumar.

Lix (6) ka mid ah  bukaanka ayaa helay qalliinka indhaha, halka Afar (4) kalena takhaatiirtu u sheegeen in aysan qaliin u baahneen  balse la siiyay daawo iyo daryeel caafimaad.

Dhammaan adeegyadaas waxaa lagu bixiyay lacag la’aan, taasoo si weyn u taabatay quluubta in badan oo ka mid ah bulshada oo aan awoodin kharashaadka caafimaadka.

ARDO ma aysan ku ekaan qalliinka oo keliya, balse waxay bixisay adeegyo dhameystiran oo ay ka mid yihiin:

Baaritaanno caafimaad oo horudhac ah.
Qalliinka indhaha.
Daawooyin qalliinka kadib.
Qaybinta muraayadaha indhaha (ookiyaale).
Ay u dheer tahay wacyigelin ku saabsan daryeelka qalliinka kadib.

Habkan isku dhafan ayaa hubiyay in bukaanadu helaan daryeel buuxa oo kor u qaada bogsashadooda.

Natiijooyinka mashruucan waxay ahaayeen kuwo si cad loo dareemay. Bukaanadii la daweeyay ayaa helay arag wanaagsan, taasoo u sahashay inay dib ugu noqdaan nolol madax-bannaan. Qaar badan oo ka mid ah ayaa hore ugu tiirsanaa gargaar joogto ah, balse hadda waxay awood u yeesheen inay si iskood ah u noolaadaan.

Intaa waxaa dheer, mashruucu wuxuu kor u qaaday rajada iyo farxadda bulshada, isagoo tusay in suurtagal noqon karto hadii la helo taageero iyo dadaal wadajir ah.

Marwo Saiida Sheeq Xasan, hormuudka Aayatin Relief and Development Organization, ayaa tiri 

“Ururka ARDO ma aha mid ku tiirsan dowlad ama hay’ado kale, balse wuxuu  taageero ka helaa walaalaha Soomaaliyeed dhexdooda, iyo saaxiibada ay ku leeyihiin adduunweynaha intiisa kale, kuwaas oo Illaahay dartii u taageera bulshada nugul.”

Marwo Saiida Sheeq Xasan, hormuudka Aayatin Relief and Development Organization, ayaa tiri  “Ururka ARDO ma aha mid ku tiirsan dowlad ama hay’ado kale, balse wuxuu  taageero ka helaa walaalaha Soomaaliyeed dhexdooda, iyo saaxiibada ay ku leeyihiin adduunweynaha intiisa kale, kuwaas oo Illaahay dartii u taageera bulshada nugul.”

Inkasta oo guulo la gaaray, haddana waxaa jira caqabado muuqda:  Dhaqaale xaddidan iyo baahi aad u badan oo loo qabo adeegyada indhaha.

Si kastaba ha ahaatee, ARDO waxay qaadatay istiraatiijiyad ku saleysan mudnaan siinta kuwa ugu baahida badan iyo fulinta mashruucyada mudnaanta leh.

ARDO waxay qorsheyneysaa inay sii waddo dadaalladeeda, iyadoo hiigsaneysa in ilaa 50 bukaan oo kale loo fuliyo adeegyada qalliinka indhaha mustaqbalka dhow, haddii Alle idmo.

Tani waxay muujineysaa ka go’naanta hay’adda ee ah in la gaaro dad badan oo weli sugaya fursad ay dib ugu helaan araggooda.

Mashruucan wuxuu caddeyn u yahay iskaashiga wadareed ee walaaltinimo in uu wax ka beddeli karo caafimaadka nololeed ee bini’aadanka.

Aayatin Relief and Development Organization waxay sii wadaa inay noqoto iftiin rajo u ah bulshada danyarta ah, iyadoo ku shaqeyneysa mabaadi’da samafalka, isla xisaabtanka, iyo adeegga bani’aadminimada.

Qore: ARDO Charity