ARDO waa hay’ad aan dowli ahayn, aan faa’iido doon ahayn, kana madax-bannaan siyaasadda iyo xisbinimada.
Hay’adda waxaa loo aasaasay inay caawiso oo taageerto dadka ugu nugul uguna baahida badan ee ku nool Soomaaliya iyo Boqortooyada Midowday (UK), si loo yareeyo silica, gaajada iyo saboolnimada, loona beddelo nolosha dadka iyada oo loo marayo istaraatijiyad horumarineed oo waarta, isku dhafan, kana ku salaysan bulshada.